SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Maxamed Cabdi oo Laguxakumay 4 Bilood, Laakiin Xabsiga Kasoobaxaya Laba Toddobad Kaddib
Maxamed Cabdi oo September 26, 2001 lakeenay maxkamada "U.S. District Court" ee Alexandria, Virginia.

USA | January 11, 2002

ALEXANDRIA, Va - Maxamed cabi, oo ah Soomaali haysta dhalashada Maraykanka, oo horay Numbarka Telefoonkiisa loogu xiriiriyey Afduube kamida kuwii diyaarada kuqarxiyey Pentagon, ayaa maanta (Jimce Jan 11, 2002) maxkamadi ku xakuntay 4 bilood oo xariga, xukunkaas oo aan ku xiriirsanayn qaraxyadaas, balse ah mid kusaabsan macmalaad-dukumiinti [forgery].

Waxaa warku intaas ku daray in xabsiga laga siideyn doono laba toddobaad kabacdi taas oo ku beegan January 23, 2002, waayo intii kale wuxuu horay ugu qaatay xabsiga mudadii uu xiraa (ilaa September).

Qareenka maxkamadu wuxuu Maxamad Cabdi ku amray in uu soo sheego waxkasta oo xiriir ah oo uu layeesho wixii wadanka (USA) kabaxsan, uuna iska ilaaliyo in uu wax xiriir ah layeesho AlQaed [al-Qaida terrorist network].

Weeraradii Maraykanka kabacdi ayaa Maxamad Cabdi telefoon Lambarkiisa iyo magaca "Mohumed" oo ku qoran khariidada Washington road map laga dhex helay gaari buluug ah oo ah nooca Toyota oo u diiwaan gashanaa mid kamida afduubayaashii oo lagumagcaabo Nawaf Alhazmi. Gaarigaas oo laga helay garoonka Dulles International Airport, oo ah halkii ay kaduushay diyaaradii American Airlines Flight 77, taas oo ku qaraxday Pentagon.

Maxamad Cabdi waxa uu sheegay in gaari uu lahaa uu sannadkii 1999 ugu deeqay hay'adda Salvation Army, waxaana uu sheegay in ay dhicikarto in khariidada uu telefoonkiisa iyo magaciisu ku qoranyahay gaarigaas uga tegey, oo markaas ay dhici karto in si uun khariidadaasi u gaartey gaariga Alhamzi.

Waxa kale oo warku sheegay in Maxamed Cabdi uu qirtay mid kamida denbiga foojariga ee lagusoo oogey, kaas oo ah, sida warku sheegay, in uu magaca ninka uu guriga ka kiraystay uu ku saxiixay lacag dhan $220. Kadibna lacagtaas uu kushubtay Akoonka uu isagu [M.Cabdi] iska leeyhay. Waxana uu sheegay in uu ka caraysnaa ninkaa uu guriga ka kiraystay oo ka hagaajinwaayey qaboojihaya guriga [Air conditioning]. Waxaa warku intaas ku daray in lagadhaafay kow-iyo-toban dacwadood oo kale oo la xiriiray foojari.

Click here!


WARARKII HORE EE LAXIRIIRA MAXAMED CABDI

Nin Soomaali ah haystana Dhalashada Mareykanka Maxkamadi Kuxukuntay in Xabsiga Lagusiihayo

USA | September 27, 2001

Ninkaan oo sida warbaahintu soowerisey magaciisa layiraahdo Mohamed Abdi oo Numbarka Telefoonkiisa Lagu xiriiriyey Afduube Kamida Kuwii Diyaarada Kuqarxiyey Pentagon ayaa Arbacadii (sept 26) Maxakada lasootaagey, iyadoo lagusoo oogey arin taas hore kaduwan oo ah macmilaad ama forgery.

Curtis Sewell oo ah Qareen kasocda dawlada dhexe ee Maraykanka ayaa Arbacadii amray in Mohamed Abdi xabsiga lagusiihayo inta si rasmi ah dembiga loogu soo oogayo.

Waxaa warku sheegay in lagayaabo in muddo bil gudeheeda in lagusoo diyaariyo dacwadiisa rasmiga ah.

Qareenka Abdi ayaa sheegay in aysan jirin wax caddaynaya in uu aqoon u lahaa ninka lagu tuhunsanyahay afduubkii diyaarada.

Sida ay soo werisey hay'adda wararka ee AP (The Associated Press), Abdi waxa uu haystaa dhalashada Maraykanka (naturalized U.S. citizen), waxaana uu kayimid Somalia, waana shaqeeyaa isagoo sannadkii qaata $22,000 shaqadiisuna waa security guard.

Warku waxa uu intaas kudaray in gaari u diiwaangashan mid kamida afduubayaashii diyarada lagu qarxiyey Pentagonka in waxyaabihii laga helay gaariga uu kamid ahaa khariidad wadooyinka ee Washington (road map of Washington) kaas oo lagahelay magaca "Mohumed" iyo telefoon Numbarka uu leeyahay Guriga "apartment" Mohamed Abdi uga kiraysan Alexandria. (faahfaahinta hoos ka akhri).

SOURCES: AP, Reuters and CNN

Qoraalkii hore ee laxiira arintan kore ka akhri hoos:


FBI oo Xirtay Nin Soomaali ah oo Numbarka Telefoonkiisa Lagu xiriiriyey Afduube Kamida Kuwii Diyaarada Kuqarxiyey Pentagon

English Version: @ contracostatimes | Sept 26, 2001

War ay bahisey hay'adda wararka ee Reuters ayaa sheegay in nin deggan Gobolka Virginia, la xiray kaddib arimo Jeegag-Macmil ah (forgery checks) oo aan la xiriirin arinta kore (cinwaanka).
CANADA AND IMMIGRANTS
Canada will remain open to immigrants: Chretien (Canada PM)
"Canada is a nation of immigrants, this is what we are," Canada PM
Click... [Sept 25, 2001]
ISLAM IN AFRICA
"Some African governments are braced for an increase in religious tension" quote from economist [Sep 20th 2001]
A mob looted 25 shops and smashed up an Islamic centre in a Somali community near Port Elizabeth last week. [SouthAfrica]
Qofkii 16aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika Somalitalk
ISLAMIC QUIZ
Tijaabi aqoontaada, kajwaab su'aalo cilmiyeedka
Guji...
ISLAMIC HISTORY
History about Islam
Click...
ISLAMIC NEWS
. islamonline.org
. cair-net.org
. isna.net
. islamicity.com
QUOTES
Canada PM Jean Chrétien
Ottawa | September 23, 2001
"I want to stand by your side today and to re-affirm with you, that Islam has nothing to do with the mass murder that was planed and carried out by the terrorists and their masters." Canada Prime Minister Jean Chrétien's speech at Ottawa's Central Mosque.
Listen | Watch | Read
U.S. President BUSH
DC, 9/17/2001
"When we think of Islam, we think of a faith that brings comfort to a billion people around the world. Billions of people find comfort and solace and peace, and that's made brothers and sisters out of every race.
Click...
DONALD RUMSFELD
U.S. Secretary of Defense

There's no way in the world that a network can function as effectively over such a long period of time, with such excellent finances and false passports and all of the intelligence information they had to have, without the being fostered and facilitated and assisted and financed by states and by businesses and by nongovernmental organizations and by corporations
Click...
ISLAM IN AMERICA
There are an estimated 7 million Muslims in America and some 1.2 billion worldwide.
Click...
Daraasad lagu sameeyey Islaamka Maraykanka
Guji...
N E W S
TNG of Somalia rejects any Links with Usama bin Laden
Click... 2001-9-20
Culimada Islaamka oo kahadlay qaraxyadii USA
Guji... 2001-09-18
Nin sucuudi ah oo magiciisa lagudaray liiska afduubayaashii qaraxyadii Ameerika
Guji... 2001-09-17
Letter from TNG to Bush
Click... 2001-9-12
Qaraxyadii NewYork iyo WC
Guji... 2001-9-11
COVER STORIES
Time magazine Click...
On Magazine Click...
CBC Special Coverage Click...
CNN Coverage Click...
CBS Coverage Click...
ABC News Coverage Click...
Saudi Live TV Click...
Arabic Coverage: Aljazeera
Text... | TV...
L I N K S
Islamic links
Click...

Warku waxa uu intaas kudaray in ninkaas magaciisa layiraahdo Mohamed Abdi uuna dagganyahay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, USA. Da'diisuna ay tahay 44 jir, waana soomaali haysta dhalashada maraykanka (naturalized U.S. citizen from Somalia).

Warka waxa uu sheegay in ninkaa magaciisa iyo telefoonkiisa lagahelay gaari mid kamida afduubayaashii diyaarada ku qarxiyeye Pentagon-ka, sidaas waxaa muujiyey qoraalka (documents) maxkamada ee lafaafiyey Arbacada.

Ninkaan waxaa maxkamada lagusoo oogayaa arimo laxiriira Jeegag-Macmal ah, taas oo dhegeysiga maxkamada laqorsheeyey Arbacada oo lahorkeenayo qareen kasocda maxkada dawlada dhexe (federal magistrate) si uu go'aan uga gaaro in uu xabsiga kusiijiro iyo inkale.

Warku waxa uu intaas kudaray in Sept 12 Goroonka "Dulles International Airport" lagahelay gaari "1988 Toyota" oo u diiwaangashanaa Nawaq Alhamzi oo u dhashay Sucuudiga oo sida warku sheegay ka mid ah kuwii diyaarada ku qarxiyey Pentagonka, gaarigaas ayaa lagahelay telefoon lambarka guriga (apartment) Mohamed Abdi uga kiraysan Alexandria.

Sida warku sheegay Abdi waxaa maxkamada lasoo taagayaa inyar kahor ninka lagu magcaabo Herbert Villalobos oo lagu soo eedeeyey in uu afduubayaasha u sameeyey "Virginia drivers" oo been-abuur ah ama kaararka aqoonsiga.

Dhanka kale waxaa warku sheegay in Magaalada San Diego lagu xiray saddex kamida ardayday College ah (college students) oo kala ah  Osama Awadallah (Jordan), Yazeed Al-Salmi (Saudi Arabia), iyo Mohdar Abdallah, oo madaxsare kutilmaameen in uu kayimid Yemen ama Somalia, waxaana lagutilmaamay in ay waxweyn arinta (qaraxa) ka ogyihiin "material witnesses.'', waa sida warku udhigaye.

Warkaan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose:
FBI arrests man with phone number tied to hijacker

SOURCE: contracostatimes

Wararka kale ee laxiriira soomaalida waxaa kamida in liiska 11ka urur ee madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, ku dhawaaqay in maalkooda laxanimo uu kamid yahay ururka "Al-Itihaad Al-Islamiya (AIAI)" oo sida warku sheegay xaruntoodu tahay Soomaaliya.

Warkaan oo aad u faahfaahsan, ka akhri cinwaanka hoose:
 Terror-links list shines spotlight on Somalia.

 2001-09-26


OTHER NEWS
Terror-links list shines spotlight on Somalia
Nairobi, Sept 25 (AFP)
Interview With UN Humanitarian Coordinator, Randolph Kent
Distributed via NorthernLight
US targets Somali group
BBC | Sept 26
Tensions are growing within Somalia after the United States administration on Monday named a Somali group as one of 11 worldwide that it said had links to terrorism.
Somalia's president wants to hold talks with opposition warlords
africaonline | Sept 25
Somali Local Govt. Launches Campaign Against Road Banditry
peopledaily | Sept 25
War-Risk Insurance May Increase Humanitarian Costs
Africa News | Sept 25
Islamic group in Somalia among US most wanted
Nairobi, Sept 24 (AFP)
Somali language woes in Canada
TorontStar | sept 24
The Objective Reasoning and The Convincing Islam
By: Abdulqaadir A. Diriye
EU-funded Aid Agencies Begin to Evacuate From Somalia
peopledaily | September 24, 2001
Somalis Demonstrate Against U.S
AP | September 23, 2001
Somalia rally against U.S. Middle East policy
Reuters | September 23, 2001
Anti-US protests in Somalia
AFP | September 23, 2001
Muslim World Wants to See Evidence
islamonline | September 23, 2001
U.S. to present evidence on Bin Laden
startribune | September 23, 2001
Muslim families feel reprecussions from attacks
southcountyjournal| September 22, 2001
Somali shops looted in PE -SouthAfrica
mg.co.za | September 18, 2001
On Monday about 1 000 people began looting Somali shops, stealing goods worth millions of rands.
QUOTE OF THE DAY
Canada PM | September 23, 2001
Canada Prime Minister Jean Chrétien's speech at Ottawa's Central Mosque.
Listen | Watch | Read

TODAY'S SOMALIA NEWS
Click Here or Read here and Here

DIGNIIN: VIRUS CUSUB
VIRUS ALERT | September 25, 2001
"Peace BeTween AmeriCa And IsLam! waa cinwaanka Virus cusub oo halis ah ee akhri halkan


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety