.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Gabdhaha Soomaalida Minnesota oo Markale Heer-sare kagaaray Waxbarashadooda

MANKATO, MINNESOTA, USA | January 12, 2002

EGLISH.VERSION - CLICK

safia Qanyare Safia Qanyare, oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhigata dugsiga sare ee Mankato East High School, Minnesota, oo heer sare ka gaartey waxbarashada
Photo by Jeff Thompson, MankatoFreePress
"Saafiya Qanyare markii ay timid Ameerika sannaadkii 2000 wada-hadal kuma yeelan karin luqada Ingiriiska, maanta oo ay meel sare kaga jirto dugsiga ay dhigato ee lagumagcaabo Mankato East High School waxa ay fasaladeeda keentaa derejada ugu saraysa [A], iyadoo siwacan ugu hadasha una akhrisa luqadda Ingiriiska, isla markaana qoraalkeedu uu aad u soo wanaagsanaanayo." sidaas waxaa warbixinta ku bilaabay wargeyska lagumagcaabo mankatofreepress oo kasoo baxa magaalada Mankato oo katirsan gobolka ay Soomaalidu ku badanthay ee Minnesota.

Saafiya markii ay timid waddanka Maraykanka waxa ay bilowday fasalada ESL-ka si ay u barato luqada Ingiriisiga. Waxayna wargeyska u sheegtay in ay caawintay walaaleheed oo ay isku mar luqadaas baranayeen isla mar ahaantaana ay iskula hadlayeen luqadaas si ay ugu tababartaan.

Waxa kale oo Saafiyo wargeyska u sheegtay in macalinkeedii uu ka taageeray sidii ay si guul ah ugu dhexgeli lahayd dalkan cusub.

Saafiyo iyo afar walaaleheeda ah iyo waalidkeed waxa ay ka yimaadeen Soomaaliya iyagoo soo maray Kenya, waxay hal-bil deganaayeen magaalada St.Paul, kadibna waxay degeen Mankato.

Aabeheed in yar ayuu ka yaqaan luqada Ingiriiska. Hooyadeed waxba kama taqaan luqadaas Ingiriisiga, laakiin hadda ayey qaadataa fasalada barashada luqada. ayaa wargeysku ku daray hadalkiisii.

"Aabahay waxa uu rabaa in luqadda Ingiriiska aan ku hadalo marka aan bannaanka kaga maqanahay guriga, laakiin marka aan joogno guriga in aan ku hadalo luqadanada si aanaan u dhumin ku hadalka luqadanada", Saafiya Qanyare.
"Inkasta oo walidkeed ay siweyn ugu dhiiri gelinayaan barashada luqadda Ingiriiska, hadana Saafiyo waxa ay sheegtay in waalidkeed ay aad u rabaan in carruurta ugu da'da yari aysan dhumin luqadoodii ay u dhasheen [Af-Soomaaliga]"  isagoo wargeysku ku daray  in Saafiya ay tiri " Aabahay waxa uu rabaa in luqadda Ingiriiska aan ku hadalo marka aan bannaanka kaga maqanahay guriga, laakiin marka aan joogno guriga in aan ku hadalo luqadanada si aanaan u dhumin ku hadalka luqadanada."

Wargesyka oo warbixintiisii sii wata waxa uu sheegay in 6,900 arday ee degmada Mankato ay 235 kamida ku hadlaan luqad aan ahayn Ingiriiska. Taasoo  luqada ugu badan ee tiradaasi ku hadlaan ay tahay Af-Soomaaliga (70 arday), waxaana ku xiga Spanish (57 arday), Cambodian (28), Vietnamese (16) iyo Afrikaans (11). Waxaana lagu qiyaasay in ardayda degmadu ay ku hadlaan 26 luqadood oo kala duwan.

Warku waxa uu intaas ku daray in dadka barta luqada ESL ay aad u kordheen, kuwaas oo 10,000 arday ahaa sannadkii 1988 haddana ay tiradaasi mareyso 46,000 arday. Luqadaha ugu badana waa Spanish, Hmong, Soomaali iyo Vietnamese. Waxaana degmadu sheegtay in ay ESL-ka ay ku kharashgarayn doonto lacagdhan $260,000.

Aqoon La'aani Waa Iftiin La'aan!
Sida wargeysku ku waramay luqadda Af-Soomaaliga ayaa in badan ka kormartay luqada Spanish-ka marka laga hadlayo ardayda degmada.

-Dhammaad faaladii wargeyska-

Ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarta Minnesota waxay dhowaanahaan kusifoobeen kuwa ugu tacliinta wanaagsan Soomaalida u soo dhooftay qurbaha. Waxay ahayd sannadkii lasoo shaafay ee 2001 marka ay ardayda Soomaaliyeed  Wacdaraha markale ka muujiyeen heerka sare ee ay ka gaareen wax barashada. [AKHRI WARBIXINTII HORE].

Sannadkii 2000 wuxuu sidoo kale ahaa mid ay Soomaalida Minnesota ka soo hooyeen guulo wax ku oola oo xagga waxbarashada ah. Sannadkaas gabar soomaaliyeed oo lagu magcaabo Nagi Cabdulaahi ayaa gashay darajada Labadaad ee Schoolkaa Roosevelt oo kamida iskuulada ay soomaalida ugu badan dhigtaan, sidoo kale waxaa xiligaa iyaguna magaca sare u qaaday Xaawa Xussen Faarax iyo Maxamed Maxmuud Kaahin, oo labaduba helay darajo aan taa Nagi Cabdulaahi ka dhicin.

fartun nur Fartuun Nuur, Minneapolis.
Tirada Soomaalida Minnesota oo lagu qiyaasay 30,000 - 45,000 waxaa dhigta jaamacada gobolkaas arday lagu qiyaasay 800 arday.

Soomaalida deggan qurbaha waxay derejada koowaad ee aqoonta siiyaan Soomaalida Minnesota, iyagoo weliba lagu amaano dhaqanka suuban ee ay gaareen gabdhaha Soomaalida Minnesota [badankooda], halka ay derejada koowaad ee gargaarka aadamino la siiyo Soomaalida Australia. Waxaa kale oo la amaanay Soomaalida Findland sida ay u xafidaan dhaqanka iyo luqada ubadka yaryar ee Soomaalida.

Guulahaas ay gaareen qaybo kamida ardayda Soomaaliyeed waxaa dhinac socda in ay jiraan in badan oo dhallinyaro Soomaali ah oo jooga Woqoojiya W/Ameerika aysan wax baran. Waxaana ugu badan kuwa da'doodu ay tahay dhawr-iyo-tobanka oo loo yaqaan "Teen-Age" una badan wiilal.

somalia kismayo Kismayo, Soomaaliya

Ciidda ay carruurtani ku fadhiyaan waxaa dhici karta in uu ku hoos jiro Batrool qaali ah!.
Arintaas waxaa laga dareemi karaa labada magaalo ee Soomaalidu ugu badanyihiin oo kala ah Toronto iyo Minnesota xaafadohooda lagu kala magcaabo Cedar iyo Dixon, oo u dhigma xaafada Islii ee Nairobi marka laga hadlayo sida ay Soomaalidu ugu badanyihiin, taas oo marka aad qoysas badan lakulantid kuu sheegaya in ay wiilasha dhawr-iyo-toban jirrada ku kari waayeen waxbarasho ama in ay iskuulada dhigtaan.

Marka aad eegtid sawirka ubadka Soomaaliyeed ee ku sugan Soomaaliya oo ay ka muuqato daryeel la'aanta, iyadoo aanba la gaarin waxbarasho, halka kuwa wax kasta oo ay u baahanyihiin diyaarka loolayahay laakiin laga waayey uun in ay iskuulka ku tagaan saacado kooban.

Soomaaliya oo 11 kii sano ee ugu dambeeyey ma lahayn dawlad dhexe oo daryeesha ubadka yaryar, kuwaas oo badankoodu aysan hadda waxna qorin waxna akhriyin.

SOMALITALK | NEWS | Janaayo 12, 2002

FAAFIN: SOMALITALK.COM  


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety